Bayaxow:
Aafadii Jeel Ogaden Kadib
Tani waa warbixintii ugu horeysay ee nooceedoo kale ah taas oo si qoto dheer loogu faahfaahinayo maxaabiistii Jeel Ogaadeen ee ku sugnaa Bayaxow, xeradii adoonsiga, sedex sano kadib xidhitaankii Bayaxow. In ka badan sideed boqol (800) oo maxaabiistii ONLF u xidhnayd ah ayaa laga qaaday Jigjiga la geeyey xerada Bayaxow horaantii 2018-kii si ay xabsigoodii ugu sii wataan marxalad qalafsan oo kasii daran Jeel Ogaden. Maanta, maxaabiistii soo badbaaday iyaga ayaa ka hadlaya dhibaatooyinkii jidh ahaan, masakax ahaan, bulsho ahaan iyo dhaqaale ahaanba u wax yeeleeyey sannadihii maxbuusnimada. Waxayna dalbanayaan cadaalad iyo isla xisaabtan. Hoos ka akhri sheekooyin kooda.
Waxaan ku qaatay Jeel Ogaadeen 6 sannadood, habeen kastana waxaan ka fikirayay noloshayda, caawa tolow ma habeenkii nolol kugu danbaysayba? Markii nalaga qaaday Jeel Ogaadeen ee Bayaxow nala geeyay, waxay noo balan qaadeen (dawladii hore) in aan xoriyad helayno, laakiin xabsi intay naga qaadeen unbay xabsi kale na geeyeen. Markii Bayaxow la i keenay muuqaal ahaan waxaan aha mid tabardaran waxaana la il daraa nafaqa daro,maxaabiis badan oo kalana ila mid ayay ahaayeen. Maalin iyo habeenba waan shaqayn jiray waxaanan guri jiray kiishash sibidha, samaynta jaajuurka, dhisida guryaha. Mar ayuu mid saaxiibkay ah qaad isyidhi jaajuur dhulka ayuuna ku dhacay tabar daro awgeed. Waxaan isku dayay in aan caawiyo balse ana agtiisa ayaan ku dhacay tabar daro darteed.
Xiligii Jeel Ogaadeen, si ay dacaayadoodu ugu suura gasho waxay jeelka noogu keeneen macalimiin iyo xeel-dheerayaal waxayna noo ogolaadeen in aan qaadano koorsooyin. Markii saas Bayaxow na loogu qaaday aniga iyo maxaabiis kalaba waxaan ku jiray teeramkii ugu horeeyay ee koleejka, in aan imtaxaanka gallo kaliyaa noo dhimanayd. Waxay noo balan-qaadeen in aan Godey kusii wadan doono waxbarashada imtaxaankana halka ku gali doono, laakiin waxay ahayd balanqaad been ah. Markii la iga soo daayay Bayaxow, waxaan imid Jigjiga waxaana markiiba tagay Jamacada aniga oo rajo ka qaba in la ii tixgalindoono lana fahmi doono xaaladayda la iina ogolaan doono in aan sii wato waxbarashadii aan xabsiga ku bilaabay. Waxay ii sheegeen maadaama oo aana imtaxaankii galin teeramkiina sidaas igu dhaafay sida kaliya ee aan kusii wadan karana tahay inaan banaanka ka akhristo (extension program) taas oo ah mid lacag ah oo aana xiligaa awoodin. Sikastaba hanoqotee, waxaa nalagu dhiiri galiyay aniga iyo labo kale oo aan Bayaxow kasoo wada baxnay in waxbarashadanadii sii wadano waxaanan iska soo diiwaan galinay koleej gaar loo leeyahay. Nasiib xumo ma aanan helin wax caawimaad ah, laakiin aad ayaan u dadaalay waxaanan u guntanay sidaan uga niibkeeni lahayn Allah ayaa mahadle, waan dhamaynay heerkii koobaad ee Jaamacada. Hadana waxaan isku dayaya in aan sii wato heerka labaad waxaana ku rajo weyanahay in aan maalin uun PHD noqdo.
Waxaan Jeel Ogaadeen ku xidhnaa 6 sano. Wakhtigii aan xabsiga ku jiray jidh ahaan iyo maskax ahaanba waa la ii iqaabay. Labada gacmoodba waa la iga jabiyey, dhabarka waxaa igasoo gaadhay dhaawac xun, hadana isha midigta ah sifiican wax ugama arko. Ma ahan wax laga sheekayn karo dhibaatooyinkii aan soo maray markii aan ku jiray Jeel Ogaadeen. Waxaa si joogta ah naloo toosin jiray habeen badhkii/ siq dhexe si aan u taagnaano, mararka qaar waxaan taagnaan jiray saacado, maanaan heli jirin wakhti aan ku tukano, ku nasano, ama ku seexano. Xilligii aan ku xidhnaa Jeel Ogaadeen waxaa igu dhacday qaaxo (TB), waxaana badhtanka kaga jiray qaadashada daawada wakhtigii naloo qaaday Bayaxow. Waxaa naloo balan qaaday in nala fasaxayo hase yeeshee waxaa naloo geeyey cadaab. Waxaan ka shaqayn jirray 12 saacadood oo aan nasasho lahayn shaqo aad u adag. Marar badan ayaan suuxay oo uu xisku iga tagay sababtoo ah jidh ahaan aad ayaan u liitay. Waxaa la igu eedeeyey in aan ka soo horjeedo hormarka oo aan kas udiidanahay shaqada. Maalin ayaa la i horgeeyey mid ka mid ah kuwii meesha xukumay wuxuuna dadkii faraha badnaa ku yidhi “ninkan maad aragtaan wuu bukaa” sidaan aamin sanahay. Dadkii faraha badnaa ayuu u sheegay in ay ku celceliyaan eraygaas wayna sameeyeen. Kadib taliyihii wuxuu iisheegay inaan ka tago xerada, waxaan fahmay in ay arintan macnaheedu tahay in ay qorshaynayaan siday ii dili lahayeen. Aad ayaan u nasiib badnaa oo waan baxsaday. Maalmo kooban gudohood maamulkii Cabdi Iley waa la diray.
Sabab ka dhalatay ciqaabtii aan soo maray iyo gacmaha oo la iga jajabiye marar kala duwan awgeed ma qaadi Karin shay ka culus labo (2) kilo, dhaawac ayaan ka qabaa neerfaha cagta (caga olal), kalida bidixda ahna nabar xun ayaa isagasoo gaadhay kaas oo aan marar badan ka seexan waayo. Arintani waxay si wayn u saamaysay awoodayda wax qabad. Wax kasta oo aan hada helay waxaa ku mahadsan Allaah oo isiiyey.
Jeel Ogaadeen waxan ku jiray 5 sanno. Xiligii aan ku jiray Jeel Ogaadeen wax akhbaar ah kama aanaan heli jirin eheladeena iyo saaxiibaden. Markii aan kaso baxnay Jeel Ogaadeen ee nala geeyay Bayaxow waxaa nalagu harqiyay warar sheegaya, hebel aabihii iyo hooyadii way dhinteen, xubno ka mid ah ehelkiisa ah ayaa la xidhxidhay, hantidoodiina gabi ahaanba la dhacay, kuwa kalena xaasaskoodi si qasab ah lagu guursaday iyo dhacdooyin lamid ah. Arintani si wayn ayey maskaxiyan nuugu dhaawacday. 2015kii waxaa la iisoo sheegay in uu caruurtayda mid kamid ihi dhintay laakin ma garanaynin midka uu yahay. Sedex sanno waxaan ku wareersanaa ilmaha dhintay kuu yahay ( ma kanaa ma kaasaa ). Markaan kasoo baxay Jeel Ogaadeen ee aan ogaaday ilmaha dhintay kuu yahay waxay igu igunoqotay geeri cusub iyo murugo joogta ah.
Markii nalaga qaaday Jeel Ogaadeen waxaa naloo sheegay in nala fasaxayo, maskaxiyan waxaan isu diyaarinay inaan xoriyad helayno. Hase yaashee, Bayaxow wuxuu ahaa xabsi kale, waxaana naloola dhaqmay sidii adoomadii, dadnimadanadii iyo sharaftanadiiba meel aya lagaga dhacay. Markii nala keenay Bayaxow waxba kama dhisnayn, gabi ahaanba waxay ahayd meel banaan. Maalinkii waxay ahayd kulayl daran habeenkiina waxaa dhacaysay dabayl xad dhaaf ah mana jirin meel aan ka galo xaaladahaas qalafsan. Wakhtigii aan ku jiray Bayaxow, waxaa la igu qasbay inaan waraysi siiyo BBC da qayb teeda soomaaliga kadib markii ay haayada xuquuqul insaanku warbixin ka qortay tacadiyadii gobolka ka dhacay waxayna rabeen inaan been sheego si aan udifaaco dawlad deegaanka. Maamulku raali kamayna ahayn waraysigii aan bixiyey wayna ii hanjabeen. Nasiib wanaag waxaan ka mid ahaa shakhsiyaadkii fara kutiriska ahaa ee ka baxsaday Bayaxow. Maskaxiyan iyo jidh ahaanba Jeel Ogaadeen iyo Bayaxowba waxay igu reebeen saamayn joogta ah, wuxuuna xanuun daran iga hayaa madaxa, luqunta, garbaha iyo cagaha taas oo ay keeneen sanadihii tacadiyada.
Waxaan ku xidhnaa xabsiga Jeel Ogaadeen 4 sanno iyo sideed bilood. Wakhtigii aan Jeel Ogaadeen ku jiray waxaa laba jeer la iga helay qaaxo. Xiligii la I geeyey Bayaxow waxaa ii socotay daawada qaaxada (TB). Dhakhaatiirtu waxay shakhsiyaadka qaaxada qaba/hayso kula taliyeen inayna qaadin wax culaysa xita jeerigaan biyo ah. Waliba waxaa la igu khasbay inaan ku shaqeeyo kulaylkii daraa ee Bayaxow anigoo qaadanaya daawadii qaaxada. Bayaxow waxay ahayd xabsi dusha ka furan, waxaa nagu hareeraysnaa liyuu booliis, maanaan haysanin wax xoriyad ah, inta badan qof kasta wuxuu ku jiray caafimaad daro xun. Filashada cadadka shaqo ee ay ahayd inaan dhamaystiro waxay ahayd mid aan innaba la rumaysan karin sida inaan soo saaro 4,000 oo jaajuur ah maalin kasta. Hadii hal koox aynan gaadhsiinin tiradii laga rabay, waxaa lagu qasbayey inay shaqeeyaan habeenka dhan. Si lamida siday jeel ogaaadeen noogu qasbi jireen inaan golayaasha been ka sheegno [shaaraca ] iyagoo keenayey wariyeyaal na waydiiya su’aalo sida miyeeydaan caafimaad qabin oo aydan hada fiicnayn.
Hada lafteeda xaaladayda caafimaad ma fiicna maadaamo oo marar badan ay igu dhacay TB intii aan jeelka ku jiray. Arinta ugu weyn ma aha wixii aan soo maray, oo wanka gudbi kara wakhti kooban. Xaqiiqatan waxaa nooga xun jidh dilkii, garaacii iyo adoonsigii in kuwii danbiyadaas naga galay ay wali nala noolyihiin. Tiro male inta danbiilayaal iska dhex laafyoonaya wadooyinka, suuqyada iyo meelaha kaleba.Wax cadaalada ma aanan helin.
Waxaan ku xidhna Jeel Ogaadeen 5 sannadood. Markii nala keenay Bayaxow intanada badan waxaan ku sugnayn xaalad caafimaadaro oo aad u liidata taas oo ka dhalatay jidh dilkii naloogu gaystay Jeel Ogaadeen sannadihii aan ku jiray. Wakhtigii Bayaxow waxaan xasuusta habeen nala soo toosiyay abaaro 10:00 pm, ma aaminaysaa maalintii oo dhanna waxbaan dhisaynay. Waxaa joogay 3 ilaa 4 gaadhi oo ah kuwa waaweyn ee xamuulka ah oo sibidh ka buuxo waxaana nalagu amray in aan dajino. Waxaan qaaday gadbad sibidha markaan dhawr talaabo qaadayna dhulka ayaan ku siidaayay. Mid ka mida madaxda dawlada ayaa igu amray in aan qaado gadbada, waxaana ku idhi misaankaygu waa 37 kilogram gadbada sibidhka ahna waa 50 kilogram, sideen u awooda in aan qaado oo aan ula socon karaa? Mar walba dadku wey dhacayeen oo ay suuxayeen daal dartii. Waxaa la siinayay xanuun baabi’iye kadibna waxaa lagu qasbayay in ay shaqada ku noqdaan.
Garaacii Jeel Ogaadeen iyo xaaladii adkayd ee Bayaxow waxaan dhaawac ka ahay dhagta bidix. Wakhtiyada qaar waxba sifiican uma maqlo, gaar ahaan xiliyada kulaylaha waxaan maqlaa guux joogta ah oo ka yeedhaya dhagtayda. Sidookale wuxuu dhaawac iga soogaadhay neerfaha lugaha, waxaan la liitay caga olol kaas oo ka dhashay jidh dilkii iyo saacadihii badnaa ee nalagu qasbi jiray in aan taagnaano.
Waxaan dareema in uu mustaqbalkaygii ku dhintay jeelka, wakhtigii aan wax baran lahaa ama aan noloshayda dhisi laha wuxuu ku lumay jeelka. Aniga iyo kuwa kalaba waxan bilawnay sannadkii koobaad ee koleejka xiligii Jeel Ogaadeen inkastoo waxbarasha aannu xabsiga ku helaynay aanay ahayn mid fiicaan. Markii aan Bayaxow kasoo baxay waxaan isku dayay in aan waxbarashadii sii wato laakiin waa la iidiiday. Waxaa jira kuwo badan oo nagamida oo ka soo baxay Jeel Ogaaden iyo Bayaxow oo raba in ay waxbarashadoodii sii wataan, weyna noo fiicnaan lahayd hadii ay dawladu nasiiso deeqo waxbarasho si aan isugu dayno in aan mustaqbalkeena dib ugu dhisno.
Waxaan Jeel Ogaadeen ku xidhnaa 5 sanno waxaana ka mid ahaa dadkii lagu xukumay xabsi daa’im. Markii Jeel Ogaadeen la iga qaaday ee la igeeyay Bayaxow waxaan ku sugnaa xaalad caafimaadaro oo liidata taas oo ka dhalatay jidh dilkii iyo garaacii nagu socday sanadihii jeelka. Markii la igeeyay Bayaxow jidh ahaan iyo maskax ahaanba waan u liitay. Xaalada Bayaxow waxay ahayd mid qalafsan cimiladuna aad ayay u kululayd. Bal malee adigoo nafaqodaro la il daran, jidhkaaguna dhaawac, layahay jidh dilkii sannado badan hadana lagugu qasbayo in aad shaqayso oo aad guryo dhistid, waxay ahayd adoonsi casriya. Qaar badan oo naga mida ma ayna awoodi karin in ay cagahooda ku istaagan oo dhulka ayay ku dhici jireen xataa iyaga oo aan wax shaqa ah qaban. Waxaan dhihi karaa Bayaxow ayaa ka xumaa Jeel Ogaadeen, maxaa yeelay inkastoon wajahaynay jidh dil iyo garaacba hadana waxaa jirtay xiliyo nafisa. Bayaxow haba yaraate ma jirin wax nafisa maalin iyo habeenba waan shaqaynaynay.
Markii la iga soo daayay Bayaxow, waxba lama soo bixin. Qoyskaygu sida kuwo badan oo kale wax ay haysteen ma jirin. Qaar ka mid ah xubnaha qoyskayga waa la xidhay hantidoodiina waa la dhacay, noloshooda ayay la hardamayeen. Aad ayaan ugu faraxsanahay xornimada aan hada haysano, laakiin nabada ka sakow, intanada badan xaaladanadu wali waa sidii markii aan Bayaxow kaso baxaynay. Bayaxow iyo Jeel Ogaadeenba waxaan la noola xanuunka dhimirka. Si joogta ah ayaan u qarwi jiray, waxaana la noola xasuusaha waxyaabihii aan la kulmay. Xataa waxay saamayn ku yeelatay awoodayda akhris, faham iyo fikirba. Gabi ahaanba maskaxdaydu wey isbadashay.
Waxaan ku jiray Jeel Ogaadeen 5 sannadood. Dhamaan maxaabiistii laga keenay Jeel Ogaadeen ee lageeyay Bayaxow waxay ku sugnaayeen xaalad aad u daran waxaana lagu qasbay in ay qabtaan shaqooyin aad u adag. Waxaa iila yaab badnaa sida dad qaba xanuunka qaaxada sannadana ku jiray xabsiga oo aad u tabardaran una daalan loogu qasbayay in ay qaadaan kiishash sibidh ah iyo in ay qabtaan shaqooyin ad-adag. Xiligii adoonsigii casriga ahaa, waxaan xasuustaa maalin ay 96 qof u suuxday daal dartii. Qof kasta oo isku daya in uu u doodo kuwa aan shaqooyinka ad-adag qaban karin waxaa lagu calaamadin jiray inuu kaso horjeedo mashruuca ama diidanyahay shaqada sidaa darteed waa laciqaabi jiray. Bayaxow wuxuu ahaa xabsi korka ka banaan, ma’aanan bixi karin, nalooma o’golayn in aan aragno qoysaskanaga, wax ikhtiyaara maanaan lahayn.
Noloshii Bayaxow kadib waxay noqotay mid adag. Bilawgii isbadalka waxaan qabnay rajo weyn, laakiin nasiibdaro, ma aanaan helin wax caawimaad ah ama taagero ah. Wakhtiyadii aan isku daynay in aan anagu noloshanada kor u soo qaadno ama aan is caawino waxaan la kulanay takoor xad dhaaf ah, gaar ahaan dhinaca maamulada dagmooyinka. Tusaale ahaan waxaan isku dayay in aan u tartamo qandaraaska mashruuc dawladu bixinaysay, waxaa la igu diiiday in aan galo faltaxa (process) aragtidayda siyaasadeed awgeed.